Päiväkodin metsäretkestä tulee Mikailille oikea seikkailu!
Lempeä, kaksikielinen kuvakirja rohkeudesta ja itsensä ylittämisestä.
Mikailin päiväkodista tehdään retki metsään, ja Mikailia jännittää vähän. Varsinkin, kun Huda-sisko muistuttaa isoäidin vanhasta tarinasta, jonka mukaan metsässä asuu Dhegdheer, pitkäkorvainen olento, joka kuulee kaiken. Voisiko Mikail törmätä Dhegdheeriin? Metsäretkestä tulee Mikailille tunteikas seikkailu, josta riittää kerrottavaa pitkäksi aikaa.
Ujuni Ahmedin suloinen kuvakirjatarina sovittaa somalialaisen uskomuksen sympaattisella tavalla suomalaiseen arkeen. Jännistäkin tilanteista selvitään, kun ei anneta ennakkoluuloille valtaa ja kuunnellaan sydäntä. Kirjan tekstit ovat sekä suomeksi että somaliksi. Elina Pisko on kuvittanut tarinan lämpimin sävyin ja herkällä otteella.
Safarka kaynta ee xannaanadu wuxuu Mikail u noqonayaa tacabur dhab ah!
Buug sawirro leh oo naxariis iyo diirran xambaarsan, kuna qoran laba luqadood, kana sheekaynaya geesinimada iyo sidii qofku naftiisa uga adkaan lahaa.
Xannaanada caruurta waxay u safrayaan kaynta, Mikailna arrintaasi xoogaa welwel ey ku haysaa, Gaar ahaan marka walaashiis Huda ay xusuusiso sheekadii hore ee ayeeyadood, taas oo sheegaysa in kaynta ay ku nooshahay Dhegdheer, makhluuq dhego dhaadheer leh oo wax walba maqasho. Ma dhici kartaa in Mikail uu Dhegdheer la kulmo? Safarka kayntu wuxuu Mikail u noqdaa tacabur dareen badan leh, oo uu muddo dheer ka sheekayn doono.
Sheekada sawirrada leh ee macaan ee ay qortay Ujuni Ahmed waxay si soo jiidasho iyo naxariis leh halyeey Soomaaliyeed ula jaanqaadaysaa nolol-maalmeedka Finland. Xitaa xaaladaha cabsi iyo xiisaha leh waa laga gudbi karaa marka aan loo oggolaan fikradaha hore iyo eexdu inay ina hoggaamiyaan, balse la dhegaysto qalbiga. Qoraalka buuggu wuxuu ku qoran yahay labadaba af-Finnish iyo af-Soomaali. Elina Pisko ayaa sheekada ku sawirtay midabbo diirran iyo hab xasaasi ah.
Ujuni Ahmed on äiti ja ihmisoikeusasiantuntija, joka sai vuonna 2020 Suomen PENin sananvapauspalkinnon. Mikail ja metsän salaisuus on hänen ensimmäinen lastenkirjansa.
Elina Pisko on Helsingissä asuva kuvittaja ja taiteilija. Hän piirtää mielellään perhe-elämän erityisiä ja arkisia hetkiä, mutta on myös kiinnostunut ihmisiin ja ympäristöön vaikuttavista ajankohtaisista aiheista. Työssään hän yhdistelee perinteisiä ja digitaalisia tekniikoita.
Ujuni Ahmed waa hooyo iyo khabiir ku takhasustay xuquuqda aadanaha. Sannadkii 2020 ayay heshay abaalmarinta xorriyadda hadalka ee PEN Finland. Mikail iyo sirta kaynta waa buuggeedii ugu horreeyay ee carruurta.
Elina Pisko waa sawir-yaqaan iyo farshaxaniste ku nool Helsinki. Waxay jeceshahay inay sawirto waqtiyada gaarka ah iyo kuwa caadiga ah ee nolosha qoyska, sidoo kalena waxay xiisaysaa arrimaha waqtigan taagan ee saameeya dadka iyo deegaanka. Shaqadeeda waxay isku darsataa farsamooyin dhaqameed iyo kuwo dijitaal ah.